Home Wararka Caalamka Dalka Denmark oo lagu toogtay Wiil Dhalinyaro Ah

Dalka Denmark oo lagu toogtay Wiil Dhalinyaro Ah

0

Booliska Denmark ayaa sheegay in wiil 23 jir ah uu dhintay ka dib markii lagu toogtay meel u dhow degmada Christiania ee magaalada Copenhagen Arbacadii shalay.

Bilayska ayaa sheegay in ay gaareen Christiania iyada oo lala xiriirinayo in ay heleen warbixin ku saabsan toogashada wax yar ka hor 6pm Arbacadii. Toogashada ayaa ka dhacday wadada weyn ee xaafadaasi oo lagu magacaabo Pusher Street.

– Nin 23 jir ah ayaa lagu dhuftay dhowr xabbadood ayuu yiri kormeeraha bilayska Tommy Laursen.

Ma jiro wax muran ah ama isku dhac dhexmaray dhibanaha iyo ninka ay booliisku aaminsan yihiin in uu ka dambeeyay toogashada.

Wax yar ka dib 20:30, booliisku waxay ku dhawaaqeen in ninkan uu dhintay iyadoo lagu wargaliyay Qaraabadiisa.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here