Home News in English Biden oo madaxweynaha Israa’iil kala hadlay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran...

Biden oo madaxweynaha Israa’iil kala hadlay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran ee ku sugan Ukraine

0
Foto: Patrick Semansky / AP / NTB Foto: NTB

Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Israa’iil ayaa ka wada hadlay diyaarada aan duuliyaha laheyn ee Iran ay siiso Ruushka iyo khatarta ay ku heyso Ukraine, markii ay labada dhinac ku kulmeen Aqalka Cad Arbacadii.

Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa markii uu soo idlaaday baaqaasi warbaahinta u sheegay in ay si weyn uga wadahadleen barnaamijka Nukliyeerka ee Iran, qaabka culculus ee taliska Iran uu ula dhaqmo dibadbaxayaasha dalkaasi iyo iibinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Tehran ay ka iibisay Ruushka.

Israa’iil ayaa ka cago jiiday in ay ku lug yeelato xulafada reer galbeedka ee Ukraine ka taageera dhaqaale iyo milatariba dagaalka ay kula jiraan Ruushka, balse booqashadii Herzog ee Washington waxa ay hoosta ka xariiqday walaaca ay Israa’iil ka qabto doorka Iran ay ka qaadatay colaadda.

Nidaamka ayaa lagu eedeeyay in uu Ruushka siiyay waxa loogu yeero diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Kamikaze, kuwaas oo loo adeegsan jiray weerarrada bartilmaameedyada rayidka ah ee Ukraine. Diyaaradahan ayaa qarxa markii ay beegsadeen bartilmaameedka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here