Home News in English Dowlada Sweden oo Shaaciyay Dadka Laga Caawinayo Korontada

Dowlada Sweden oo Shaaciyay Dadka Laga Caawinayo Korontada

0
Photo: Tim Aro / TT

Dawladdu Sweden waxay maanta ku dhawaaqday wax ay ugu yeertay “tallaabadii ugu horreysay” ee lagu soo jeedinayo in dadka deegaanka laga caawiyo qiimaha sarreeya ee korontada.

Ra’iisul Wasaaraha Ulf Kristersson iyo Wasiirka Tamarta Ebba Bush ayaa shir jaraa’id la qabtay wax yar ka hor Agaasimaha Guud ee Shabakada Tamarta, Luna Breda, si ay ugu dhawaaqaan faahfaahinta soo jeedinta.

Ebba Bush ayaa sheegtay in arrinta qiimaha korontadu ay tahay mid mudnaan u leh dowladda cusub, iyadoo raacisay, “Waanu ku maqalnaaa, dadka hawlgabka ah waa inaysan ka welwelin xiliga qabowga. Waxaan maqalnaa dadka nugul iyo qoysaska carruurta leh oo ka walaacsan in carruurtoodu ay gaajoon doonaan iyo in kale.

Agaasimaha Guud ee Shabakadda Tamarta Luna Breda, ayaa sheegtay in la ilaalin doono dadka ku nool degmooyinka saddexaad iyo afaraad ee korontada, sida koonfurta dalka.

Ulf Kristerschon waxa uu ballan qaaday magdhowgii ololaha doorashada in laga bilaabo kowda Ogosto ee la soo dhaafay, in la hirgeliyo 1-da Noofambar, taas oo dawladdu aanay u hoggaansamin ku dhawaaqistii maanta.

“Isticmalayaasha korantada ee ka diiwaan gashan koonfurta waxay heli doonaan kabid ku salaysan celceliska qiimaha saacadii kilowatt,”

Dawladdu waxay sheegtay inaan wax kaalmo ah la siin doonin dadka deggan waqooyiga Sweden, iyadoo qof kasta oo ku nool koonfurta Sweden uu ka faa’iidaysan doono ilaalinta iyadoo lagu saleynayo celceliska qiimaha sannadkii la soo dhaafay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here