Home News in English Dadka iibsada Jaakada Xabada aan karin oo ku soo badanaya Eskilstuna

Dadka iibsada Jaakada Xabada aan karin oo ku soo badanaya Eskilstuna

0

Tirada dadka iibsanaya jaakada difaaca oo ku soo badanaya magaalada Eskilstuna sida uu sheegay TV-ga Sweden.

Korodhkan ayay boolisku sheegeen in ay sabab u tahay kor u kaca rasaasta iyo kor u kaca iska horimaadyada u dhaxeeya shabkada dambiyada ee magaalada.

 “Waxaa jira dad aad u badan oo iibsanaya jaakadahan, waxaana jira kiisas aan la shaacin, laakiin inta aan ku guda jirno kormeerka joogtada ah waxaan aragnaa kororka tirada dadkan,” ayuu yiri taliyaha bilayska Eskilstuna Frederic Natterlund.

 Sida warbixinta lagu sheegay, waxaa sii kordhaya tirada dadka isticmaala jaakadahaan ee ka tirsan shaqaalaha ka howlgala degmada.

Sidoo kale, ardayda dugsiyada qaarkood waxay iibsadaan jaakadaha difaaca 

Iska horimaadka ka socda magaalada Eskilstuna ee sanadkan dhex maray kooxaha burcadda ah ayaa sababay toogashooyin isdaba joog ah

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here