Home News in English Go’an laga gaaray Qeyb kamid ah Dhalmada Haweenka Uurka leh

Go’an laga gaaray Qeyb kamid ah Dhalmada Haweenka Uurka leh

0
Foto: Johanna Sjöqvist Harland/Sveriges Radio

Haweenka doonaya in ay gurigooda ku dhalaan   , ma heli doonaan fursad ay ku helaan dhalmada lacag la’aan ah, Isbitaalka Jaamacadda Karolinska ayaa doortay in uu meesha ka saaro suurtagalnimada in Dadka Sweden ay ku dhalaan guriga iyagoo kaalmo ka helaya gobolka.

Madaxa xuquuqda dhalashada ee Sweden, Liesel Nielsund, ayaa sheegtay inay aad uga naxday go’aankan.

“Waan naxay,” ayay u sheegtay TV-ga Sweden. Dumar badan ayaa lagu qasbi doonaa inay u dhalaan siyaabo aysan rabin.”

Laga soo bilaabo dayrtii 2020, Stockholm waa gobolka kaliya ee Iswiidhan ka tirsan ee siiya haweenka caafimaadka qaba fursad ay guriga ugu dhalaan. Laakiin isbitaalka jaamacadda ayaa hada joojiyay arintan.

Ilaa hadda sanadkan, 21 haween ah ayaa doortay in ay guriga ku umulaan iyaga oo sii maraya Isbitaalka Karolinska. 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here