Home Wararka Maanta Dadka aan siinay Degnaanshaha Sweden waan soo qaadeynaa Waqtiga ay Noqoto

Dadka aan siinay Degnaanshaha Sweden waan soo qaadeynaa Waqtiga ay Noqoto

0

Kadib warbixin lasoo dhigay Boga Hay’adda Migrationsverket ayaa lagu shaaciyay Xaalada Qaxootiga wadanka Sweden iyo saadaashada Tirada Qaxootiga ee la filayo sanadka danbe warbixintaasi kadib ayaa Raadiyaha Sweden waxa uu ka hadlay Xaalada Qaxootiga ku sugan Dalka Dibadiisa kuwaasi oo la siiyay Daganaanshaha Sweden walina aanan Imaan Halkan Sababo la xiriira Safarada Iyo soo galitaanka Yurub oo Xabiban.

Warbixinta oo Maqal ah ayaa lagu sheegay in Dadka heesta ama la siiyay Deganaanshaha Sweden ay Dalka imaanayaan waqti walbo oo ay noqoto isla markana aysan ka fakarin arintaasi in ay dhibaato uga timaado sida laga soo xigtay mas’uuliyiintadhanka Laanta Socdaalka ee Migrationsverket.

Sweden ayaa sanad walbo waxay Dalka dibadiisa kasoo qaadaa 5,000 kun oo Qaxooti ah iyadoo u mareysa Hay’adda dhanka Qaxootiga u qaabilsan Caalamka lakin tirada Sanadkan ayaa hoos u dhacday Sababo la xiriira Coronavirus.

”Waxaa intaas dheer, waxaan aaminsanahay in mamnuuca gelitaanka ku meel gaarka ah ee EU-da, oo soconaya ilaa 31 oktoobar, laga yaabo in la dheereeyo, ayuu yidhi Henrik Holmer.

Qiyaasta tirada dadka magangalyo doonka ah sanadkan ayaa gaaraysa ilaa 13,500, taas oo 500 ka badan marka loo eego saadaashii hore.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here