Home Wararka Caalamka Angela Merkel oo la kulmeysa Hogaamiyaasha 16-ka Gobol ee Germalka ( Xayiraado...

Angela Merkel oo la kulmeysa Hogaamiyaasha 16-ka Gobol ee Germalka ( Xayiraado la filayo)

0

Hoggaamiyaha Germalka Angela Merkel ayaa sheegtay in u hogaansanaan la’anta Sharciyada COVID-19 ay Jarmalka dib ugu celisay xaalad “adag”. xili lagu wado inay la kulanto hoggaamiyeyaasha gobollada si ay go’aan uga gaaraan xannibaadaha cusub ee looga hor tagayo Corona.

Chancellor Angela Merkel ayaa Talaadadii ku boorrisay Jarmalka inay raacaan tilaabooyinka iyo sharciyada ku saabsan coronavirus iyada oo waddanku la dagaallamayo mawjadaha labaad ee infekshinka .

“Waan ognahay sida aan u difaaci karno nafteena. Waxaan ku sii wadi karnaa jawaab celin ka sii badan,” ayay tiri iyadoo ku sugan Berlin. “Laakiin sidoo kale waxaan ku arkeynaa tirada sii kordheysa ee ah haddii aynaan ku sii dheganaanin sharciyada, waxaan dib ugu laabaneynaa xaalado kuwaas oo go’aan adag leh.”

Merkel ayaa hadalkan jeedisay ka hor kulan muhiim ah oo ay la yeelanayso hogaamiyaasha gobolada Dalka, ee Arcada, halkaas oo la filayo in laga soo saaro xayiraad adag si loo xakameeyo faafitaanka COVID-19.

Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargayska Bild , dawlada ayaa soo saareysa talaabooyin cusub oo taxane ah oo ay ka mid yihiin maqaayadaha iyo mamnuucida munaasabadaha bulshada. Iskuulada waxaa lafilayaa inay sii furnaadaan, marka laga reebo gobolada ay ka dilaaceen ama ku sii kordhaan Cudurka Corona.

Somaliska Berlin

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here