Home Wararka Caalamka Qaxooti ku dhintay Dooni ay saarnaayeen muhaajiriin oo ku degtay waqooyiga Faransiiska

Qaxooti ku dhintay Dooni ay saarnaayeen muhaajiriin oo ku degtay waqooyiga Faransiiska

0

Ugu yaraan afar qof ayaa dhimatay ka dib markii doon ay la socdeen ku dhowaad 20 muhaajiriin ah ay ku degtay xeebta Loon-Plage oo u dhow Dunkirk, waqooyiga Faransiiska, sida ay ku warrantay warbaahinta Faransiiska Talaadadii.

Herve Tourmente, oo ah masuulka ugu sareeya gobolka Dunkirk, ayaa u sheegay idaacada France Bleu Nord, dhacdadaasi.

15 qof oo kale ayaa la soo badbaadiyey, iyada oo sideed ka mid ah la ildaran hypothermia iyo laba wadnaha istaagay,

Howlgal ballaaran oo lagu baadi goobayo dadkaasi ayaa la bilaabay kadib markii ay doonta degtay subaxnimadii. Kooxaha gurmadka deg degga iyo caafimaadka ayaa ka soo qeyb galay goobta, iyo diyaarad helikobtar ah oo ay leeyihiin ciidamada badda ee Faransiiska. Saraakiisha Faransiiska ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dadku ay naftooda ku waayeen, iyaga oo aan sheegin tiro sax ah.

“Dareenkeyga waxuu la jiraa kuwa aan jeclahay ee  naftooda sida xun ugu naf waayey Channel-ka ” Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa ku qoray bartiisa Twitter-ka.

“Waxaan u soo bandhignay mas’uuliyiinta Faransiiska wax kasta oo taageero ah markay baarayaan dhacdadan foosha xun, waxaanan sameyn doonnaa wax walba oo aan kari karno si aan ula dagaallano kooxaha dambiilayaasha ah ee arxan laawayaasha ah ee ugaarsada dadka nugul iyagoo fududeynaya safaradan halista ah.”

Dhowr kun oo muhaajiriin ah ayaa isku dayay marinka halista ah ee kanaalka ingiriiska sanadkaan, iyagoo inta badan lacag siiya dadka wax tahriibiya si ay uga caawiyaan inay maraan mid ka mid ah marinnada ugu mashquulka badan adduunka ee maraakiibta lagu raro doomaha caagga ah.

Britain ayaa dhowr jeer ku cadaadisay dowladda Madaxweyne Emmanuel Macron inay wax badan ka qabato ka hortagga muhaajiriinta ka tagaya Faransiiska.

Somaliska Paris

Turjumay Somaliska.com

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here