Home Wararka Caalamka Saudi Arabi oo si dadban u Cambaareeyay Hadalkii Madaxweynaha Faransiiska ee Islaam...

Saudi Arabi oo si dadban u Cambaareeyay Hadalkii Madaxweynaha Faransiiska ee Islaam Naceybka

0
Photo Teba Sadiq / Reuters

Dowlada Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay “inay diideyso isku day kasta oo diinta Islaamka loogu xirayo argagixisada, waxayna cambaareyneysaa sawir gacmeedyada aflagaadada ah ee nabiga NNKH” iyadoo uu sii kordhayo khilaafka u dhexeeya Faransiiska iyo qaar ka mid ah dowladaha u badan Muslimiinta ee ku saabsan taageerada Paris ee ku aaddan aflagaadeynta nabiga.

Sacuudiga ayaa sidoo kale ku baaqday “xorriyadda caqliga iyo dhaqanka inay ahaato nalka ixtiraamka, dulqaadka iyo nabadda ee diida dhaqamada iyo ficilada abuura nacaybka, rabshadaha iyo xagjirnimada isla markaana lid ku ah qiyamka wada noolaanshaha,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Sacuudiga oo la hadlay warbaahinta dowladda Talaadada maanta.

Sarkaalka ayaa intaa ku daray in Riyaad ay cambaareyneyso dhammaan falalka argagixisanimada iyada oo aan loo eegin kuwa geysanaya, iyada oo si muuqata loola jeedo tixgelinta macalinka madaxa laga jaray macalinkaasi oo ardaydiisa tusay sawir uu ku sheegay Nabiga NNKH.

Sawiradan ayaa carro ka dhaliyay dunida Muslimka.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ku baaqay in la qaadaco badeecadaha Faransiiska , baarlamaanka Pakistan wuxuu soo saaray qaraar dowladda looga dalbanayo inay dib ugala soo noqoto wakiilkeeda Paris.

Dhawr ururo ganacsi oo Carbeed ayaa iyaguna ku dhawaaqay qaadacaad .

Mudaaharaadyo ayaa lagu qabtay Ciraaq, Turkiga iyo Marinka Gaza, iyadoo banaanbaxayaashu ay ka socdaan caasimada Ciraaq ee Baqdaad, kuwaasi oo gubaya calanka Faransiiska isla markaana cagta mariyay sawirada madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

Sacuudi Carabiya, baaqyada ku saabsan in la qaadaco badeecada dukaamada waaweyn ee Faransiiska ee Carrefour ayaa ka socday baraha bulshada, in kasta oo wakiil shirkadeedka oo ku sugan Faransiiska uu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in aysan weli wax saameyn ah dareemin.

Bayaanka Talaadadii ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Sucuudiga laguma xusin gaadacaada badeecada faransiiska.

Isniintii, Erdogan wuxuu mar kale canbaareeyay dhiggiisa Faransiiska, isagoo markii saddexaad yiri Macron wuxuu u baahan yahay baaritaan caafimaad maskaxeed – canaan ku kalliftay Faransiiska inay dib ugu yeerto safiirkeedii Ankara dhammaadkii usbuucan.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale ku booriyay hogaamiyaasha reer Yurub inay joojiyaan waxa uu ugu yeeray ajandaha “Islaam naceybka” ee Macron.

somaliska Ankara

Turjumay somaliska.com

xigasho/aljazeera + Wakaaladaha wararka

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here