Home Wararka Caalamka Canada oo lagu dilay Qoys Muslimiin ah, Raisal Wasaaraha oo ka hadlay...

Canada oo lagu dilay Qoys Muslimiin ah, Raisal Wasaaraha oo ka hadlay dhacdadaasi

0

Dhacdo xanuun badan ayaa ka dhacday dalka Canada markii la dilay afar qof oo ka kooban hal qoys iyadoo qof kalena uu dhaawac kasoo gaaray dhacdadaasi.

Dilka Qoyska ayaa yimid kadib markii la jiirsiiyay gaariga nuuca waaweyn ee loo yaqaano Track dhacdada ayaa ka dhacday Caasimada London ee Gobolka Ontario.

Weerarka kadib waxaa falkaasi ka hadlay Raisal wasaaraha Canada Justin Trudeau isagoo ku tilmaamay falkaasi mid Argagixiso oo si bareer ah loogu dilay qof aanan waxba galabsan.

Weerarka waxa uu dhaawac kasoo gaaray wiil dhalinyaro ah kana tirsan qoyska kaasi oo hada xaaladiisa lagu dabiibayo isbitaalka.

ugu danbeyn Justin Trudeau ayaa sheegay in Falkaan iyo falkii sanadkii 2017 lagu xasuuqay 6 qof oo masaajid ku jiray ay ahaayeen falal argigixiso oo aanan la aqbali karin.

Somaliska Canada

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here