Home Wararka Caalamka Giriiga oo Shaaciyay in uu Sharciga u diidayo Qaxootiga Turkiga uga imaanaya

Giriiga oo Shaaciyay in uu Sharciga u diidayo Qaxootiga Turkiga uga imaanaya

0

Dowlada Giriiga ayaa maanta shaacisay in ay u diididoonto Magangalyo Qaxootiga uga imaanaya dhanka Turkiga hadii ay markaasi dalbadaan magangalyo siyaasadeed.

Giriiga waxa uu sababtaasi ku sheegay in Turkiga uu yahay wadan amaan ah isla markaan Qaxootiga kasoo gudbaya ay halkaasi iska dhiibi karaan.

Wasiirka arimaha Dibada ee Giriiga oo go’ankaan ka hadlay ayaa sheegay in Sharciga uu qabanayo Qaxootiga ka imaanaya Syria, Afghanistan, Pakistan, Bangladesh iyo Somalia.

Dowlada ayaa intaasi ku dartay in go’anka uu yahay mid yareenaya qul-qulka Qaxootiga soo galaya yurub ee kasoo gudbaya dhanka Turkiga.

ugu danbeyn Dowlada Giriiga ayaa shaacisay in Turkiga ay kala hadashey celinta qaxooti gaaraya 1,453 oo qaxooti ah taasi oo aysan dhageysan

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here