Home News in English Daawo:- Canada oo Joojineysa Heshiiska Qaxootiga ee kala dhaxeeya Mareykanka

Daawo:- Canada oo Joojineysa Heshiiska Qaxootiga ee kala dhaxeeya Mareykanka

0

Mid kamid ah Maxkamadaha Federaalka ee Dalka Canada ayaa joojisay oo laashay Sharciga Qaxootiga kala dhaxeeyay mareykanka ee lagu magacaabo (STCA), kaasi oo bilowday sanadkii 2004 waxana uu sharciga dhiyay in Qaxootiga soo mara dhul ka tirsan Mareykanka ee iska dhiibo Canada dib loogu celiyo Dalka Mareykanka waana sharci lamid ah midka u dhaxeeyo wadamada Yurub.

Maxkamada ayaa cuskatay in Dowlada Mareykanka aysan ilaalin Xaquuqda Qofka magangalyo doonka ee Dalka iska dhiibo isla markana uusan sii socon karin Sharcigan oo dad badan ku yeeshay saameyn xoogan.

Sidoo kale ayay Maxkamada Cadeesay in Sharcigan uu ka hor imaanayo midka Dalka Canada ee ah in Qofka uu ku noolaado goob amaan ah.

Sharciga ayaanan Shaqeyndoonin ku dhawaad 6 bil ilaa jawaab laga helo dhanka Dowlada Mareykanka sida warbixinta ay Somalisksa.com kasoo xigatay warbaahinta Canada ku cad.

Maxkamada ugu Sareysa Canada ayaa dhici karta in ay rafcaan ka qaadato go’anka ay soo jeedisay mid kamid ah Maxkamadaha heer Federaal ee Dalka.

Somalika Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here