Home News in English Sweden oo dib u bilaabeysa soo qaadista Qaxootiga ka Xaniban

Sweden oo dib u bilaabeysa soo qaadista Qaxootiga ka Xaniban

0

dowlada Sweden ayaa sanadkan lagu waday in ay soo qaadato ku dhawaad 5,000 kun oo Qaxooti kuwaasi oo kasoo qaadan laheyd daafaha Caalamka waxana Qaxootigaasi qeyb kamid ah ay ku xayirmeen Xaalada Corona tirada Qaxootiga ee Xanibmay ayaa lagu sheegay 2,000 kuwaasi oo u diyaarsanaa in Dalka sweden soo gaaraan gaar ahaan in Gobolada dalka loo qeebiyo.

Hay’ada u qaabilsan Qaxootiga Sweden ayaa shaacisay in ay dib u furtay Qorshaha lagu soo qadaayo Qaxootiga ee loo keenayo Dalka Sweden lakin maahan tiro badan madama uu wali jiro xanuunka Corona waxana tirada la ogolaaday lagu sheegay 20 Qof kuwaasi oo diyaarsan.

Qaxootiga xiyarmay ayaa sameen ku yeeshay Degmooyinka Dalka oo dhaqaalo ahaan ku tiirsanaa Qaxootiga meelaha sida aadka uu u sameeyay Qaxootiga xayirmay waxaa kamid ah Degmada  Falun oo xitaa la xiray goobta lagu soo dhaweeyo Qaxootiga madama aysan sanadkan helin lacagta dhaqaalaha ee lagu helo Qaxootiga cusub.

tan iyo sanadkii 2015 Degmooyinka qaarkood ayaa joojiyay in ay qaataan Qaxooti badan kuwaasi oo iska kala dhimay lakin sidaasi oo tahay degmo walbo waxay qaadataa qaxooti marka la qeebiyo qaxootiga cusub.

Go’anka laanta Socdaalka Sweden ay ku dhawaaqday ayaa ah Qorshe fududeenaya in la dhameestiro Qaxootiga 2 kun ee Xaniban.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here