Home Wararka Caalamka Cabsi Laga Qabo in la Qaadaco Alaabka Sweden Sida uu sheegay Raisal...

Cabsi Laga Qabo in la Qaadaco Alaabka Sweden Sida uu sheegay Raisal Wasaare Ulf Kristersson

0

 “Sida iska cad, tani waxay noqon kartaa mid aad ugu Xun shirkadaha Swedish,” Ra’iisul-wasaare Ulf Kristersson ayaa ka digay baaqyada ku saabsan qaadacaadda alaabta Sweden ee dalalka Muslimka ah.

 Ulf Kristersson ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Masjidka Al- Azhar ee magaalada Qaahira uu ku baaqo in la qaadaco badeecooyinka laga keeno Sweden iyo Holland kadib dhacdadii Qur’aanka ee todobaadkii hore.

“Tani sida cad uma wanaagsana xiriirka Iswiidhen ay la leedahay qaybaha kale ee adduunka, iyo sidoo kale wadamo badan oo Muslim ah oo muhiim ah,” ayuu raaciyay.

“Waxaan difaacaa xorriyadda hadalka ee Iswidhan anigoo fahamsan in dadka ku nool dalalka kale ay dareemayaan xanaaq iyo xadgudub,” ayuu raaciyay.

 Waxaana uu tixgeliyey inay jiraan sababo walaac ah, isagoo mar kale ku baaqay in la dejiyo.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in Sweden ay ka jirto xaalad halis ah oo siyaasadeed iyo wadahadal wanaagsan oo lala yeesho Turkiga ay muhiim u tahay xubinimada NATO ee degdega ah .

Dhankeeda, wasiirka maaliyadda Elisabeth Svantesson ayaa xaqiijisay in shirkadaha Sweden ay leeyihiin sumcad wanaagsan oo caan ka ah adduunka oo dhan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here