Home Wararka Caalamka Qaraxyada Sweden oo Noqday Kuwa tiro beel ah, Xalay oo Qarax kale...

Qaraxyada Sweden oo Noqday Kuwa tiro beel ah, Xalay oo Qarax kale ka dhacay Stockholm

0
Photo/SWEPIX / Blåljusbilder

Qarax xooggan ayaa ka dhacay dhismo ku yaalla agagaarka warshadaha ee Tullinge ee koonfurta Stockholm habeenkii xalay.

-Wax ayaa ku qarxay goobta waxaana uu burbur u geystay wejiga hore, ayuu yiri Tove Hägg oo ka tirsan booliska Stockholm.

Bilayska iyo kuwa gurmadka degdegga ah ayaa helay dhowr telefoon wax yar ka dib 01:30 oo ku saabsan qarax ka dhacay aagga. Dhowr qof ayaa la sheegay inay ku sugnaayeen qolka markii uu qaraxu dhacay, balse ma jirto cid wax ku noqotay.

Sida uu sheegay Daniel Kaissidis, oo ah sarkaalka heeganka u ah kooxda dab damiska ee Södertörn, taleefoonnada ayaa laga helay meelo ka fog goobta laga hadlayo oo markii hore ay adkeyd in la helo.

– Qaraxu wuxuu ahaa mid aad u xoog badan oo dalool u yeelay wejiga, ayuu yidhi.

Goobta ayaa la go’doomiyay xilli habeen ah, waxaana dadka ku sugnaa agagaarka warshadaha ay booliisku wareysteen.

-Baaritaan ayaa hadda socda, oo qayb ka mid ah ay wadaan qeybta ilaalinta bamka qaranka, qaybna ay wadaan farsamayaqaannada baadhista, si loo sugo raadadka, ayuu yidhi afhayeenka bilayska Tove Hägg saacadu markay tahay 8-da Khamiista.

Sida uu qoray wargayska Aftonbladet, sawirada ilaaladu waxa ay muujinayaan sida, ka hor inta aanu qaraxu dhicin, ay laba qof gaadhi kala dageen oo ay kaga tageen bac maro ah goobta.

– In la eego kamaradaha ilaalada ama kamaradaha kale ee laga yaabo in ay khusayso ayaa lagu samayn doonaa baadhitaanka, laakiin in aan sheego waxa ay keeneen waa wakhti hore in aan ka hadlo, ayuu yidhi Tove Hägg.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here