Home Wararka Caalamka Finland oo qaadatay Go’an u gaar ah kana xuubsiibatay Dalka Sweden

Finland oo qaadatay Go’an u gaar ah kana xuubsiibatay Dalka Sweden

0

Finland ayaa go’aansatay inay dib u bilowdo dhoofinta qalabka difaaca, mar kale Turkiga , ka dib markii ay hore u joojisay waxay kaloo bilowday inay kaligeed gorgortan ka gasho Arinta NATO.

Wargeyska Finnishka ah ee Hufvudstadsbladet ayaa shaaca ka qaaday in Talaadadii, Wasiirka Difaaca Mikko Savola uu saxiixay ogolaanshaha dhoofinta walxaha Miilux.

Ma cadda in qaybaha ugu danbeyn loo isticmaali doono baabuurta ay dalbadaan Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca ee Finland.

Ogolaanshaha dhoofintu waxa uu hoos imanayaa xeerarka EU ee dhoofinta hubka sidaa awgeed waa in ay ansixiyaa Wasaaradda Difaaca.

Finland ayaa ka gaabsatay inay hubka iyo qalabka kale ee difaaca ka iibiso Turkiga tan iyo markii Turkigu uu weerar ku qaaday Kurdiyiinta waqooyiga Suuriya 2019. Laakiin markii wasiirkii gaashaandhigga ee xilligaas Ante Kakkonen uu booqday dhiggiisa Turkiga ee Ankara bishii Diseembar, Kakkunen wuxuu ku dhawaaqay in Finland laga yaabo inay dib u eegis ku sameyso qaar ka mid ah heshiisyada dhoofinta. .

Warbaahinta Turkiga ayaa 2019-kii sheegtay in xayiraadda ay si weyn u saameysay shirkadaha difaaca ee Turkig

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here