Home News in English Britain oo maanta bilowday Sharci Cusub oo ku aadan dadka magangalyo doonka...

Britain oo maanta bilowday Sharci Cusub oo ku aadan dadka magangalyo doonka ah

0
Foto: NIKLAS HALLE'N/AFP/TT

Diyaaradii ugu horreysay oo sidday qaxoonti magan-gelyo ka codsaday Britain ayaa la filayaa inay duusho fiidnimadii caawa, si ay u geyso Rwanda iyadoo raacaysa siyaasadda cusub ee socdaalka ee dawladda Britain.

Dowladda Britain ayaa heshiis la saxiixatay dowladda Rwanda in dadka magangalyo doonka ah loogu wareejiyo Rwanda (Bariga Afrika) inta lagu guda jiro howsha codsigooda magangalyo. Wasiirka cadaalada iyo socdaalka ee UK Tom Berglove ayaa sheegay in dadka magangalyo doonka ah ee loo diro Rwanda laga siin doono hoy iyo taageero, ayna xor u yihiin inay ka baxaan hoygooda mar walba.

Ra’iisul wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa horey u sheegay in “muhaajiriinta dhaqaalaha ka faa’ideysata nidaamka magangalyada aysan awoodi doonin inay sii joogaan UK, halka kuwa baahida dhabta ah u baahan la siin doono ilaalin ku filan”. Sida ay sheegtay BBC-da.

Dowladda Britain ayaa arrintan u aragta mid lagu niyad-jabinayo in dadka ay ku gaaraan UK doonyaha isaga kala gudba Kanaalka English-ka, kaasoo aad u soo badanaya. Sida laga soo xigtay Radio Sweden maanta.

Maamulka Britain ayaa ku wargeliyay ilaa 130 qof suurtagalnimada in loo masaafuriyo Rwanda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here