Home Wararka Caalamka Booliska Britain oo ka Hadlay Qaraxii ka dhacay Magaalada Liverpool iyo Halis...

Booliska Britain oo ka Hadlay Qaraxii ka dhacay Magaalada Liverpool iyo Halis Dalka ku socota

0

Hal qof ayaa ku dhintay mid kalena waa ku dhaawacmay ka dib markii taksi uu ku qarxay afaafka hore ee isbitaal ku yaala magaalada Liverpool ee dalka Ingiriiska shalay subax.

Hadda dhacdadan ayaa lagu tilmaamay fal argagixiso.

Waxaa lagu wargelinayay booliiska Ingiriiska, kuwaas oo weli isku dayaya inay caddeeyaan ujeeddada ninkan, ayuu qoray BBC .

Tagsiga ayaa ku qarxay afaafka hore ee Irida Isbitaalka Haweenka, waxaana halkaasi ku dhintay Qofkii la socday Taksiilaha halka uu dhaawac soo gaaray Tagsiilihii. Qaraxa ayaa la rumeysan yahay inuu sabab u ahaa rakaabka oo qarxiyay bam, sida lagu sheegay fariinta ka soo baxday booliska deegaanka ee la dagaalanka argagixisada.

Qaraxan ayaa ku soo aaday xilli Ingiriisku uu xusayay maalinta qaran ee xuska askarta la dilay.

Dhanka Kale Dowlada ayaa Maanta Shaacisay inay Jirto Qatar Argigixiso iyo Qaraxyo ka dhaci kara Dalka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here