Home Wararka Maanta Barlamaanka Sweden oo sii wadaya Sharciyada kulamada ee Corona

Barlamaanka Sweden oo sii wadaya Sharciyada kulamada ee Corona

0

Barlamaanka Sweden ayaa isbadal ku sameeyay tirada Xubnaha ku kulmi kara Xaruunta Barlamaanka taasi oo ka dhalatay Xanuunka Corona.

Barlamaanka ayaa hada go’an saday in uu sii socdo sharciga ka dhashay xanuunka corona ee ku aadan tirada Xubnaha ku kulmaya Barlamaanka waxana la gaarsiiyay ilaa 14 Semtemper.

ku dhawaad 50 qof ayaa ku kulmi kara xaruunta Barlamaanka iyadoo inta hartay ay qaab muuqaal ah ama fogaan arag uga qeyb gali karaan kulanka Barlamaanka.

Horay Xaruunta Barlamaanka waxaa ka qeyb gali jiray guud ahaan xubnaha Barlamaanka oo gaaraya 349 oo ka kooban guud ahaan xisbiyada ka jira dalka.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here