Home News in English Barlamaanka Sweden oo Dowlada ka diiday Shaci Awood siinaya Xukuumada

Barlamaanka Sweden oo Dowlada ka diiday Shaci Awood siinaya Xukuumada

0
Photo: TT

Barlamanka Sweden ayaa diiday in Dowlada Afar bil loogu kordhiyo Awooda ay u leedahay inay Xaalad deg deg ah soo saari karto mudada uu Corona jiro

Awooda Dowlada la siiyay Ayaa ah mid dhamaaneysa oo todobaadyo ay ka harsantahay Dowlada ayaana Barlamaanka u gudbisay in Afar Bil laga dhigo.

Maalinta Isniinta ah ee soo socota ayay guddigu soo gabagabeynayaan warbixintooda iyo soo jeedintooda ku aaddan sidii baarlamaanka Sweden uu uga hor imaan lahaa sharcigan.

Sida laga soo xigtay TT, aqlabiyadda ayaa diiday in sharciga lagu kordhiyo afar bilood, iyadoo sharciga hadda uu dhacayo dhowr toddobaad gudahood.

Hay’adda ayaa sheegtay in xubnaha ugu badan ee guddiga ay doonayaan in sharciga lagu kordhiyo muddo labo bilood oo kaliya ah, haddii ay dowladu rabto in sharciga loo kordhiyo mudadaas ka dib ay la soo laaban karto sharci qabyo ah.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here