Home Wararka Caalamka Baraf Xoogan oo ka da’ay Sweden iyo Digniino loo diray Darawalada

Baraf Xoogan oo ka da’ay Sweden iyo Digniino loo diray Darawalada

0
Foto Fredrik Sandberg / TT

Baraf xoogan ayaa ka da’ay Qeybo kamid ah Dalka Sweden kaasi oo saameyn xoogan ku yeeshay isku socodka gadiidka ee Dalka.

Hay’ada Saadaasha u Qaabilsan Sweden ayaa soo saartay digniin cusub oo ku aadan Barafka ka da’ay qeybo kamid ah sweden.

Goobaha Qaar ee Dalka ayaa la filayaa in Barafka uu gaaro ku dhawaad 25 centimeter.

Barafka ayaa saameyn xoogan ku yeelanaya Wadooyinka waxana Darawalada looga digay in ay Taxadaraan mudada ay wadayaan gawaarida.

Duufaanta Barafka ayaa sidoo kale keeni karta in Qeybo kamid ah dalka ay dhacdo koronto la’aan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here