Home Wararka Caalamka Arday Toorey ku Dilay Macalimadiisa Gudaha Dalka Faransiiska

Arday Toorey ku Dilay Macalimadiisa Gudaha Dalka Faransiiska

0

Macalin wax ka dhiga iskuul gaar loo leeyahay oo ku yaala koonfur galbeed dalka Faransiiska ayaa lagu dilay weerar mindi loo adeegsaday oo uu fuliyay arday, sida ay booliisku sheegeen.

Macalimada Isbaanishka oo 50 sano jir ah ayaa ku jirtay casharka iskuulka markii ardaygu uu mindi ku weeraray. Waxay heshay daryeel caafimaad goobta, laakiin booliiska ayaa ku wargeliyay wakaaladda wararka ee AFP inay u dhimatay dhaawacii soo gaaray.

Ardaygan oo 16 sano jir ah ayay boolisku xabsiga u taxaabeen.

Dilka ayaa ka dhacay magaalada Saint-Jean-de-Luz, taasi oo ku taal xeebta Atlantic, una dhow xuduudka Spain.

Wasiirka waxbarashada Faransiiska Pap Ndiaye ayaa ku sii jeeda iskuulka, wuxuuna sheegay in uu aad uga xun yahay dhacdadan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here