Home News in English Aabe Maxkamad lagu soo taagay Magaalada Malmö kadib Caawinta Gabadhiisa

Aabe Maxkamad lagu soo taagay Magaalada Malmö kadib Caawinta Gabadhiisa

0
Johan Nilsson / TT

Aabe ayaa maxkamad ku taal magaalada Malmö lasoo taagay isagoo lagu eedeeyey kadib markuu gabadhiisa ku dhiirrigeliyey inay garaacdo saaxiibkeed inta khilaafku u dhexeeyey, uu ka hor istaagtey gabar kale in ay xaliso khilaafka.

Gabadha eedaysanaha (14 sano) ayaa surwaalkeeda amaahisay saaxiibkeed taasi oo khilaafka uu ka dhashay sida warbaahinta ay tabinayaan.

Markii ay ku kulmeen xarunta ganacsiga ee loo yaqaan ‘Emporia Mall’, ayaa dagaal ka dhex qarxay Sida uu sheegay dacwad oogaha guud, aabaha ayaa ku dhiiri galiyay gabadhiisa dagaalka, markii gabar kale ay rabtay inay soo faragaliso si xaalada loo qaboojiyo, isagoo ka hor istaagay inay arinta sameyso. Sida laga soo xigtay  TT, Syed Svenskan maanta.

Aabaha ayaa markii hore beeniyay inuu sidaas sameeyay, laakiin kaamirada amaanka ayaa duubtay dagaalka. Markii uu fiiriyay fiidiyowga goor dambe, wuxuu sheegay in dhacdada ay uga muuqato mid ka duwan sida uu filimka u muuqdo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here