Home Wararka Maanta Sweden oo bilowday Sharciyada Cusub ee Mamnuucista soo galitaanka Ajaanibta ( yuu...

Sweden oo bilowday Sharciyada Cusub ee Mamnuucista soo galitaanka Ajaanibta ( yuu qabanayaa Sharciga )

0

Shuruudda ah in lagu muujiyo “tijaabinta ‘Corona  ee ajaanibta imaanaysa Iswiidhan waxay dhaqan gashay saqdii dhexe ee Xalay.

Mamnuucida soo gelida Iswiidhan iyada oo aan la wadan shahaadada tijaabada waxay khuseysaa muwaadiniinta dalalka ku jira gudaha iyo dibedda Midowga Yurub iyo Aagga Dhaqaalaha Yurub, iyo sidoo kale Danmark, Norway iyo Boqortooyada Ingiriiska.

Xaaladdan ayaa sii shaqeyn doonta illaa 31-ka Maarso, marka laga reebo qaar ka mid ah.

Sida ku xusan shuruudaha cusub, muddada imtixaanku waa inaysan ka badnaan 48 saacadood ka hor taariikhda safarka Sweden lagu soo aadayo, halka shahaadada baaritaanka antibody-ka aan la oggolaan doonin.

Marka laga hadlayo go’aanka mamnuucista gelitaanka iyo go’aanka lagu soo bandhigayo shahaadada imtixaanka Corona, xeerarka ayaa ku kala duwan tusaale.

Muwaadiniinta ka yimid wadamada ka baxsan EU / EEA, sidoo kale ka yimid Norway, Denmark iyo Boqortooyada Ingiriiska, baaritaanka coronavirus kaliya kuma filna. Xitaa waxaa jira shuruudo gaar ah sida cadeynta ujeedada safarka Sweden, maadaama ujeedada dukaamaysiga iyo dalxiiska aysan ku filneyn soo galida wadanka, sharciyadan adagna waxay si gaar ah u khuseeyaan muwaadiniinta deenishka, noorwiijiga iyo ingiriiska.

Dadka Finnishka ah, Faransiiska, Jarmalka iyo muwaadiniinta kale ee EU, shahaadada imtixaanka ayaa ku filan.

Sharuudaha laga reebay

Dabcan, waxaa jira dhowr waxyaalood oo laga reebay shuruudaha looga baahan yahay shahaadada baaritaanka Corona, tusaale ahaan, ajaanibta ku nool Iswiidhan, shisheeyaha ka yimid waddammada ka baxsan EU / EEA ee shaqooyinka muhiimka ah ka haya Iswiidhan, shisheeyaha halkan wax ku barta, ama cayaartoyda ka qayb geli doonaan tartamada isboortiga.

Ka reebitaanku wuxuu sidoo kale khuseeyaa qof ajnabi ah oo ka yar da’da 18 sano, ama haddii qofku uu leeyahay sababo deg deg ah ama arrimo bini’aadanimo iyo sidoo kale dalab magangelyo oo Iswiidhan ah.

Booliska ayaa la geyn doonaa goob walbo oo wadanka laga soo galo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here