Home Wararka Maanta Ruushka oo so eryay Diblomaasi reer Sweden ah iyo Sababta keentay

Ruushka oo so eryay Diblomaasi reer Sweden ah iyo Sababta keentay

0

Masuuliyiinta Ruushka ayaa maanta eryay diblomaasi Swedish ah, iyagoo sheegay in aan dib dambe loogu soo dhaweyn doonin dalka. 

Wakaaladda wararka ee Ruushka RIA Navosti ayaa soo warisay in diblomaasigaasi “uu ka qeyb galay” banaanbaxa taageerayaasha hogaamiyaha mucaaradka Alexei Navalny. Wasaaradda arrimaha dibedda ee Sweden ayaa u xaqiijisay wargayska Expressen ceyrinta diblomaasiga reer Sweden, laakiin waxay sheegtay in tani ay dhacday “iyada oo aan wax cudurdaar ah loo helin.”

Lynne Dufhamar oo ka tirsan xafiiska warfaafinta ee wasaarada arimaha dibada Sweden ayaa sheegtay in diblomaasiga uusan ka soo qeyb galin mudaharaadka laakiin uu ahaa “goobjooge”. Waxay ku nuuxnuuxsatay in xuquuqda diblomaasiyiinta ee ah inay indha indheeyaan mudaharaadku yahay qayb dabiici ah oo la socoshada horumarka siyaasadeed ee waddan, iyo mid ka mid ah hawlaha aasaasiga ah ee diblomaasiyadda.

Talaadadii la soo dhaafay, mas’uuliyiinta Ruushka waxay xireen in ka badan 1,300 oo qof ka dib mudaaharaadyo lagu dalbanayay in la sii daayo Navalny, oo loo yaqaan mucaaradka aadka u daran ee madaxweyne Vladimir Putin, horeyna loogu soo bandhigay isku day dil oo loo adeegsaday gaaska neerfaha.

Warbaahinta Ruushka ayaa tabisay xarigga diblomaasi Swedish ah oo ka mid ah maxaabiista.Hase yeeshee, safaaradda Sweden ayaa beenisay warka xarigga, waxayna sheegtay in diblomaasiga uusan ka qeybgalin mudaaharaadka, laakiin uu ahaa kaliya “kormeere”.

Maanta, wakaaladda wararka Ruushka ee RIA Novosti waxay shaacisay cayrinta diblomaasi Swedish ah, marka lagu daro qof kale oo Jarmal ah iyo mid saddexaad oo reer Poland ah, taas oo ay xaqiijisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sweden.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here