Home Wararka Caalamka Ruushka oo Sheegay inuu Qarka u Saaranyahay Dagaal uu la galo Dalalka...

Ruushka oo Sheegay inuu Qarka u Saaranyahay Dagaal uu la galo Dalalka Reer Galbeedka

0
Sergej Lavrov. Foto: AP

Xaaladda hadda ka jirta Ukraine ayaa muujinaysa in khilaafka u dhexeeya Ruushka iyo reer Galbeedka aan hadda kaddib lagu qeexi karin “dagaal barxan” balse taa beddelkeeda uu qarka u saaran yahay inuu noqdo mid dhab ah, sida uu qabo Wasiirka Arrimaha Dibedda Ruushka ee Sergey Lavrov Isniintan.

Isagoo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu la qaatay dhiggiisa Koonfur Afrika, Naledi Pandor, Lavrov ayaa sidoo kale xusay in dagaalkan “ku dhowaad ​​dhabta ihi” uu ahaa wax ay reer Galbeedku “diyaarinayeen muddo dheer.”

Wasiirka ayaa ku andacoodey in quwadaha reer Galbeedku ay doonayaan inay burburiyaan wax kasta oo Ruush ah, laga soo bilaabo luuqaddii iyo dhaqankii qarniyo ka jirey dalka Ukraine, iyo xitaa in dadka laga mamnuuco inay ku hadlaan afkooda hooyo.

Lavrov oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in dhaqamadani ay iminka caadi ka noqdeen guud ahaan dalka Ukraine iyo in labadii madaxwayne ee u dambeeyey ee dalkaasi ee Pyotr Poroshenko iyo hogaamiyaha haatan ee Vladimir Zelensky ay labaduba isu badaleen “madaxwaynayaal dagaal” iyo “hoggaamiyeyaal Ruush Nacayb ah” kaddib markii ay markii ay awood qabsadeen, inkastoo ay isku soo sharaxeen xilligii ololahooda madaxwaynanimo inay nabadoonni yihiin.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Ukraine ay qaadatay sharciyo mamnuucaya in luuqadda Ruushka loo isticmaalo waxbarashada, warbaahinta, iyo xitaa nolol maalmeedka caadiga ah.

“Waxaa oo dhan waxaa taageeraya reer Galbeedka,” ayuu yiri Lavrov, isaga oo intaa ku daray in taageeradani ay gaarsiisan tahay qolyaha neo-Naziga oo iyaga oo wata swastika iyo calaamadaha Nazi-ga isu soo bax dhiga, isagoo ka digey arrin uu sheegay inay isa soo tarayso.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here