Home Wararka Caalamka Dowlada Mareykanka oo ka hadashey Quraanka Kariimka ee Lagu gubay Dalka Sweden

Dowlada Mareykanka oo ka hadashey Quraanka Kariimka ee Lagu gubay Dalka Sweden

0
Photo/Ap

Mareykanka ayaa dhaleeceeyay ku gubista nuqul ka mid ah Quraanka Kariimka ah ee Rasmus Paludan uu ku gubay afaafka hore ee safaarada Turkiga ee Stockholm, isagoo sheegay in falkaasi “laga yaabo inuu yahay isku day ula kac ah oo lagu wiiqayo midnimada NATO”.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka Ned Brass ayaa shir jaraa’id oo uu shalay qabtay ku sheegay in “gubida Quraanka loo arko inay muqadas yihiin dad badan ay tahay fal aad u fool xun oo aflagaado ah,” isaga oo ku tilmaamay mid laga naxo oo laga yaqyaqsoodo. Sida ay sheegtay warbaahinta Carabta.

Brass waxa uu intaa ku daray in Gubida Qur’aanka Kariimka ah ay tahay mid uu ka danbeeyo qof “looga dan leeyahay daandaansi,” isaga oo xusay in laga yaabo in looga dan leeyahay in lagu saameeyo doodaha socda ee ku saabsan in Sweden iyo Finland ay ku biiraan NATO, iyo kala fogaanshaha labada saaxiib ee ugu dhow, Sweden iyo Turkiga. .

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxaan taageersanahay xoriyada isu imaatinka iyo isu imaatinka nabada, oo ah aasaaska dimuqraadiyada, laakiin sida uu sheegay raysal wasaaraha Sweden, gubista buugaagta barakaysan waa xushmad darro, waxaanu muujiyay aragti wanaagsan oo ah in wax kasta oo sharci ah aanay haboonayn.

Sweden iyo Finland ayaa doonaya inay ku biiraan NATO, balse diidmada Turkiga ayaa ilaa hadda caqabad ku ah arrintaas.

“Waxaan dareensanahay in Finland iyo Sweden ay diyaar u yihiin inay xulafo ka noqdaan NATO, waana ku celcelinnay arrintaas, laakiin waxaa hubaal ah in tani ay tahay go’aan iyo heshiis ay tahay in Finland iyo Sweden ay la gaaraan Turkiga,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here