Home Wararka Caalamka Turkiga oo ku Dhawaaqay go’an Cusub oo ka dhan Ah Dowlada Sweden

Turkiga oo ku Dhawaaqay go’an Cusub oo ka dhan Ah Dowlada Sweden

0
Foto: Marko Säävälä/TT och Vyacheslav Prokofyev/TT

Madaxwaynaha turkiga Erdogan oo ka caraysan Kitaabkii quraanka ahaa ee lagu gubay Sweden ayaa wacad ku maray inaysan Turkigu marnaba ogolaanayn in sweden ay ku soo biirto gaashaanbuurta NATO.

Dowladda Turkiga ayaa si weyn u cambaareysay amar ay dowladda Sweden ku oggolaatay in dibadbaxayaashu ay ku gubi karaan kitaabka Qur’aanka, taasoo sii xoojisay xiisad ka dhex aloosan waddamada Turkiga iyo Sweden xilli Stockholm ay u baahan tahay taageerada Ankara si ay ugu biiraan NATO.

“Hadii aad ixtiraamin caqiiqada Muslimiinta anagana hanaga filan wax taageero ah oo ku saabsan xubinimadaada NATO” ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga.

Sweden ayaa bilihii ugu dambeeyay si wayn u raadinaysay ku biirida Gaashaanbuurta Nato, si ay magan uga hesho duulaan uu ku soo qaado Ruushka, laakiin hadalka Erdogan ayaa ku noqday Sweden caqabad aysan ka gudbi karin.

Dibadbaxa lagu gubay kitaabka Quraanka oo Sabtidii ka dhacay banaanka safaaradda Turkey ee caasimadda Sweden, ayaa waxaa hoggaaminayey Rasmus Paludan oo u dhashay dalka Denmark balse sidoo kale haysta dhalashada Sweden, kaasi oo ah nin Islaamka iyo soo-galootiga neceb.

Si uu dal ugu soo biiro gaashaanbuurta Nato waxaa khasab ah in dhamaan dalalka xubnaha ka ah ay aqbalaan codsiga dalkaasi, taasoo ka dhigan in sweden aysan ku biiri karin Nato ilaa uu ogolaado turkigu.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here