Sidaa waxaa sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha Jimcihii. Bayaanka ayaa lagu sheegay in booqashada Pelosi ee Taiwan ay tahay mid daandaansi ah oo wiiqeysa madax banaanida dhuleed ee Shiinaha.
Pelosi iyo qoyskeeda dhowba waxaa lagu soo rogi doonaa cunaqabatayn, laakiin wasaaraddu ma sheegin waxa ay ku kici doonaan.
Pelosi ayaa Talaadadii tagtay Taiwan waxayna ku sugnayd jasiiradda in ka yar hal maalin. Dowladda Shiinaha ayaa si adag uga falcelisay booqashadan, waxayna Khamiistii billowday dhoolatuskii ugu ballaarnaa ee abid ay ka sameyso badda Taiwan.
Shiinuhu wuxuu u arkaa jasiiradda iskeed u maamusho ee Taiwan inay tahay qayb ka mid ah dhulkeeda. Wasiirka arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa ku tilmaamay dhoolatuska militariga Shiinaha ay tahay fal celin xad dhaaf ah iyo koror weyn.