Home Wararka Caalamka Qarax lala beegsaday guri dabaq ah oo ku yaala Malmö

Qarax lala beegsaday guri dabaq ah oo ku yaala Malmö

0
Foto: Johan Nilsson / TT

Qarax xooggan ayaa goor barqo ah laga maqlay xaafadda Peresburg ee magaalada Malmö.

 ooliska Sweden ayaa sheegay in qarax lala beegsaday albaabka laga galo dhismo la daganyahay waxaana booliska ay heleen warbixino dhowr ah 2-dii subaxnimo ee jimcaha oo ku saabsan qaraxan.

Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah xooga qaraxa ayaa burburiyay muraayadaha dhismaha iyo sidoo kale muraayadaha baabuurta ka agdhawaa goobta.

Lama soo sheegin wax dhaawac ah oo ka dhashay qaraxa, kaasoo saameyntiisa ay ku koobneyd burburka agabka qaarkood.

Ciidamada booliska iyo kuwa farsamada ayaa isku gadaamay dhismaha si ay baaritaano farsamo ugu sameeyaan.

 Booliska ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid dhibaato ku ah shacabka, iyadoo weli aysan jirin cid looga shakisan yahay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here