Home Wararka Maanta SD ” Darawalada Basaska Waa in laga Mamnuuco isticmaalka Heesaha Carabiga

SD ” Darawalada Basaska Waa in laga Mamnuuco isticmaalka Heesaha Carabiga

0
Foto: Fredrik Sandberg / TT

Björn Söder oo Barlamaanka ugu jira xisbiga SD ama Sverigedemokraterna ayaa dalbanaya in Shaqaalaha ama Darawalada Basaska laga joojiyo Heesaha Carabiga ee daartaan.

Xubintan ka tirsan Barlamaanka ayaa qoraal uu soo dhigay Barta Twitterka waxa uu kaga hadlay arintan iyo go’anka uu dalbanayo.

Björn Söder ayaa sheegay in uu raacay Bas uu waday nin ajaanib ah kaasi oo ka dhex daartay hees Carabi ah.

Waxa uu intaasi ku daray in heesta Carabiga ay aheyd mid sare u dheereesan isla markana ay Rakaabka si aadka ula yaabeen.

ugu danbeyn ayuu sheegay in heesta Carabiga ay xiriir la leedahay dhanka islamaanka waa sida uu hadalka u dhigaye.

David Erickson oo ah Agaasimaha isgaarsiinta basaska Nobina kaasi oo sheegay in Darawalada loo ogolyahay in ay dhageesan karaan heesaha qaasatan goobta iyaga gaarka u ah.

isagoo la hadlayay Joornaalka Aftonpladet ayuu sheegay in Darawalka uu Xaq u leeyahay dhageysiga muusikada isaga ahaan uuna u arkin dhibaato.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here