Home Wararka Maanta Hal Qof oo maanta u dhintay Corona gudaha Dalka Sweden

Hal Qof oo maanta u dhintay Corona gudaha Dalka Sweden

0
Photo Fredrik Sandberg / TT

Sweden waxay diiwaan gelisay hal qof oo u dhintay Corona ilaa shalay, taasoo ka dhigaysa wadarta dhimashada tan iyo markii uu ku faafay cudurka dalka 14,643 xaaladood. Sida laga soo xigtay tirakoobkii ugu dambeeyay ee Hay’adda Caafimaadka Dadweynaha maanta, Jimcaha.

Tirada infekshannada la xaqiijiyay ayaa kor u kacay illaa 92,540 xaaladood, 232 ayaa ka badan tiradii shalay.

Haatan waxaa jira 27 bukaan oo lagu daweynayo daryeelka degdega ah, taas oo ah laba bukaan oo ka yar tiradii shalay. Sida ku xusan Diiwaanka Daryeelka Degdegga ah.

Inta badan gobolada Iswiidhan waxay hoos u dhac ku yimid faafitaanka cudurka Corona usbuucii la soo dhaafay, halka  shan ka mid ah ay diiwaangeliyeen  kororka tirada kiisaska, kuwaas oo kala ah Javleborg, örebro, Vesterbotten, Västernorland iyo Sörmland.

Kiisaska cusub waxay ku xirnaayeen kaqeybgalka laba munaasabadood oo caan ah, tan hore waxay  ahayd dabaaldegyada  bartamaha-xagaaga, iyo tan labaad ee kaqeybgalka daawashada cayaaraha Horyaallada Yurub. 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here