Home Wararka Maanta War Hada Ah: Xaafada Tensta oo qof lagu toogtay goor dhow

War Hada Ah: Xaafada Tensta oo qof lagu toogtay goor dhow

0
Foto Mikael Fritzon / TT

Wararka laga helayo Xaafadaha Tensta ee Waqooyiga Stockholm ayaa ku waramayo in Qof lagu toogtay goor dhow halkaasi.

lama oga sababta ka danbeysa Dilka goor dhow ka dhacay Xaafada Tesnta inkastoo uu ku soo aadayo xili maalmo ka hor Xaafada Rinkeby oo aan sidaasi uga fogeen Tensta lagu toogtay wil dhalinyaro Somali ah.

Abaaro 10:00 pm ayay aheyd marka ay toogashada ay dhacday Afayeen u hadlay booliska oo lagu magacaabo Towe Hägg ayaa joornalka Aftonpladet u sheegay in ay heleen wicitaan la xiriira toogasho ka dhacday nawaaxiga Spånga marka ay tageena ay halkaasi ugu tageen nin la toogtay.

Dilalka ka dhaca Sweden ee isku geestaan Kooxaha Gangiska ayaa joogta u dhaca xiliga kuleelaha oo kooxaha wax dila ay u fududahay dilalka gorsheesan.

Madama uu dilka dhacay goor dhow wixii Faaf-faahin ah dib ugu soo laabo Qoraalkan.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here