Galabnimada Talaadada, Dowlada Hoose ee Oslo ayaa ka bilaabi doonta degmada Bjerke talaalka 18-jirka.
Bjerke waa mid ka mid ah degmooyinka laga helay tallaalada dheeraadka ah horraantii sanadkan sababo la xiriira cadaadiska cudurka oo aad u sarreeya, sida uu qoray wargayska Aftenposten.
Maamulka Norwey ayaa horey u ansixiyay in la talaalo dadka da, doodu tahay 12 sano jir, laakiin waa hadii ay qabaan cuduro hoose.Â
Hadda, markii ugu horreysay, 18-jir caafimaad qaba ayaa la siin doonaa tallaalka coronavirus.
Kooxda da’da 18-24 waxaa la tallaali doonaa isla waqtiga ay qaadan doonaan dadka da’doodu u dhexeyso 40 iyo 44 sano.Â
Da’da 25-39 ayaa la tallaalayaa ugu dambayn, sia uu qoray wargayska.
Wararka kale ee Maanta
AD