Dowlada Denmark oo la tacaaleysa Xaalada Coronavirus ayaa horay u xirtay guud ahaan wadanka lakin waxay maanta ku dhawaaqday in ay fureyso goobaba Waxbarashada qaar.
Xisbiga Dowlada hogaamiya ayaa warbaahinta u sheegay in Isbuuca danbe la furayo goobaha Iskuulada Dhexe iyo Xaruumaha Xanaanada Caruurta.
Raisal Wasaaraha Denmark Mette Frederiksen ayaa warbaahinta u sheegtay in tani ay tahay Tilaabo Dowlada u qaadeyso sidii wadanka loogu furi lagaa si tartiib tartiib ah.
Waxay kaloo sheegtay in Furitaanka Iskuulada ay Waalidka Fursad u helayaan Shaqooyinka Caadiga ee Guriga iyagoo dhibaato kala kulmin Caruurta.
Iskuulada loo furay Xaruurta ayaa gaaraya ilaa Fasalka 5 aad ee qeybta dhexe iyo Xanaanada Caruurta iyadoo kuwa kale dib loo eegidoono wixii ka danbeeya 15 May.
Somaliska Copenhegan
Waxaa turjumay Somaliska.com