Home Wararka Maanta Xisbiyada Sweden oo Dowlada siiyay Awood dheeraad ah iyo Sharciyo la filan...

Xisbiyada Sweden oo Dowlada siiyay Awood dheeraad ah iyo Sharciyo la filan karo dhawaan

0

Kulan ey hoggaamiyeyaasha xisbiyadu salaasadii yeeshee ayay ku caddaatay in dawladda la siin doono awoodo dheeri ah oo ey go’aanno degdeg ah ku gaari karto.

Go’aannada dawladdu gaari karto oo saameeyn ballaran ku yeelan kara nolosha bulshada ayey ka mid yihiin tusaale ahaan in la xayiro gaadiidka, in la xiro goobaha waaweyn ee ganacsi ama goobaha cunnada ee maqaayadaha.

Xisbiyada mucaaradka ayaa qoraalkii hore ee fikirkan ka soo hor jeeday, hase yeeshee dawladda ku raacay markii ay dawladdu ogolaatay in la adkeeyo awoodda golaha sharci dejinu ku yeelan karo go’aannadaa. Middaasina oo macnaheedu tahay in dhammaan go’aannada dawladdu gaarto iyada oo tiigsanaysa xeerkan cusub markiiba la hor geeyn doono baarlamanka, oo aqlabiyad dib ugu yeeri kara go’aankii dawladdu gaartay.
-Haddii tusaale ahaan dawladdu go’aan ku gaarto in la xiro dhammaan goobaha cunnada. Wuxuu go’aankaasi hir geli doonaa saacaddaa laga bilaabo. Dabadeed waxaa mooshin arrinkaa la xiriira la gaarsiin doonaa baarlamanka oo muddo gaaban illaa laba maalmood ku qeexi doona in lagu raacsan yahay iyo in kale.

-Waxay u dhigantaa sidii ogolaanshihii dawladdu lagu siiyay awood ay iskuullada ku xiri karto, hase yeeshee aanay weli ku tallaabsan, sida uu sheegay Fredrik Furtenbach oo laanta wararka Ekot uga faallooda arrimmaha gudaha.

Inkasta oo tallaabadani tahay mid muddo gaaban oo saddex bilood ah socon doonta, haddana waa tallaabo ay dhif tahay inay dalka ka dhacdo. Waxayna ahaan lahayd xaalad aan xitaa lagu fekereen, haddii aan lagu jirin caqabadda fayruska corona. Iyadoona si aad uga degdeg badan loo sharciyeeyn iyo fulinba doono xeerarka si ka duwan horey sidii looga bartay Sweden.

Waxa iminka la sugaana waa iyada oo mooshinkan ay sida ugu dhakhsiyaha badan loo hor geeyo guddi hoosaadka arrimmaha bulshada, dabadeed uu baarlamanku ansixiyo, lana fileyo xeer cusub horraanta toddobaadka fodda innagu soo haya, sida uu sheegay Fredrik Furtenbach.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here