Home Wararka Maanta Tirada Dadka Waayeelka ee ku dhintay Stockholm oo lasoo bandhigay

Tirada Dadka Waayeelka ee ku dhintay Stockholm oo lasoo bandhigay

0

Afartiiba mid dadka u geeriyooday cudurka covid-19 ayaa ku noola goobaha wayeelka lagu xanaaneeyo ee gobolka Stockholm. Isla waqtigaas waxaa sii kordhya tirada waayeelka qaaday fayruska ee ku nool guryaha lagu xanaaneeyo waayeelka.

Dadka waayeelka ah ee ku nool Stockholm ayuu fayrusku aad u saameeyay. Gobolka Stockholm, sagaal shirkadood oo daryeel caafimaad ka shaqeeya ayaa masuul ka ah daryeelka caafimaadka guryaha gaarka ah ee waayeelka.

Sidoo kale, waxay leeyihiin mas’uuliyad caafimaad in ka badan 300 oo guryo waayeel ey ku noolyihiin oo ku yaala gobolka. Fayraska ayaa hadda laga helay 121 ka mid ah guryahaas waayeelka ah.

– Waxaa mudnaanta leh hadda waa in la aqoonsado kuwa cudurka ku dhacay si aan uga hortagno inay gaarsiiyaan dadka kale ee deegaanka kula nool, sida uu sheegay Christoffer Bernsköld oo mas’uul ka ah isbitaalka lagu xannaneyo dadka oo u baahan daryeel degdeg ah ee gobolka Stockholm.

Region Stockholm ayaa sii kordhinaya saamaynta dadka wayeelka, laakiin Christoffer Bernsköld wuxuu qabaa in sidoo kale ay fiicnaan laheyd haddii ey shaqaalaha goobahaa ka shaqeeya si aad ah u taxadari lahaayeen.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here