Dowlada Norway ayaa Xaalad Deg Deg ah ku rogtay Dalkeeda waxaana kamid ah in la xiro Goobaha Waxbarashada Dalka iyadoo 15 qodob soo saartay.
Qodobada Dowlada soo saartay oo lagu sheegay mid looga hortago Cudurka Coronavirus ayaa noqonaya kuwa saameen xoogan leh waxaa kamid ah.
● Xiritaanka Iskuulada Waxbarashada iyo Goobaha Xaanada iyadoo qaab kale ardayda wax loo barayo.
●Mamnuucida Xafladaha ay iskugu imaan karaan 50 qof ka badan.
● Xiritaanka goobaha lagu jaro timaha iyo Goobaha kale ee Masaajka
●Goobaha Dukaamada oo sii Shaqeenaya sida Caadiga
●Dadka bartay Caafimaadka oo lagu amray in Dalka ka bixin.
●Booqashada isbitaalada oo la joojiyay.
●Goobaha lagu hayo dadka Waayeelka oo la joojiyay in la booqdo.
●Dadka ka imaanaya Dibada oo la karantiilayo xataa hadii aysan Qabin Cudurka Coronavirus marka laga reebo wadanada Nordiga.
●Gadiidka oo shaqeenaya lakin Dowlada ayaa codsatay in Dadka iska joogaan guryaha hadii aysan jirin baahi ween.
Somaliska Norway