Home Wararka Maanta Rai’sal Wasaaraha Sweden oo Shir Jaraa’id kaga hadlay Xaalada Dalka iyo go’anada...

Rai’sal Wasaaraha Sweden oo Shir Jaraa’id kaga hadlay Xaalada Dalka iyo go’anada laga filayo Dowlada

0

Madaxa dawladda Sweden, Stefan Löfven oo shir jaraa’id ku qabtay Rosenbad, xarunta madaxtooyada Sweden ayaa sheegay inay xaalad culus hor taalo bulshada dalka Sweden.

-Xaaladda caabuqa corona ayaa ah mid xawli degdeg ah ku socota. Waxaana dhici karta inuu fayruskani gaaro dad badan, isla markaana ey dad intii hore ka badan u geeriyoodaan, sida uu sheegay Stefan Löfven.

Shirka jaraa’id ee ka qabsoomey xarunta madax tooyada Sweden ayey Stefan Löfven ku weheliyeen wasiirrada: wasiiradda arrimmaha bulshada Lena Hallengren, wasiirka manaafacaadka Ibrahim Baylan iyo wasiirka iyo wasiiradda waxbarashada sare iyo cilmibaarista Matilda Ernkrans.

-Go’aankii lagu gaaray in la mamnuuco kullammada bulshada ayaa ahaa mid markii ugu horreeysay ay dawlad Sweden ka talisaa isticmaashay, hase yeeshee waxaan bulshada uga digeyaa iney iman kari doonaan go’aanno kale ee nolol maalmeedkooda xadidi doona. Kuwaasina oo qaarkood ku iman doonaan si degdeg ah.

-Waana habka keliya ee lagu xakameeyn karo faafidda caabuqa muddo gaaban sida uu hadalka u dhigay Stefan Löfven.

-Caabuqa corona ayaa ah xaaladda ugu halisan dhanka caafimaadka ee hor taala bulshada markii ugu horreeysay sannado badan.

Sidoo kale waxaa la go’aamiyey tallaabooyinka soo socda:

In kor loo qaado soo saarka dawooyinka aaladaha caafimaadka.

Lama qaadi doono imtixaankii jaamicadaha lagu geli jirey oo la qorsheeynayey inuu dhaco 4-ta bisha abriil. Waana markii ugu horreeysay.

Lena Hallengren, wasiirka arrimmaha bulshada ayaa shirka jaraa’id ka sheegtay  in amar lagu siiyey wakaaladda dawooyinka Sweden inay qaado tallaabooyinka loo baahan yahay sidii loo sugi lahaa baahida dawooyinka iyo helista dawooyinka loo baahan yahay.

Somaliska Stockholm

Lasoco wararka Xaalada Coronavirus

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here