Home Wararka Caalamka Kjell Ingolf ”Waxaan idin Xaqiijin karaa in Dowlada ay Sanadka danbe qaadaneyso...

Kjell Ingolf ”Waxaan idin Xaqiijin karaa in Dowlada ay Sanadka danbe qaadaneyso 3,000 kun oo Qaxooti”

0
Photo: NTB scanpix

”Waxaan xaqiijin karaa in dowlada sanadka soo socda ay dooneyso inay qaabisho 3,000 oo qoxooti qoondo ahaan, waana tiro rikoor ah” hoggaamiyaha KrF Kjell Ingolf ayaa sidaasi u sheegay TV2.

Isagoo hadalkiisa sii wato ayuu markale yiri ”Taasi waxay saddex jeer ka badan tahay tirada qaxootiga ay heleen Cagaarka. Waxaan u maleynayaa in Norway waajib ku tahay inay iyaduna qaaddo mas’uuliyaddaas dhanka Qaxootiga Aduunka. ayuu  yiri Wasiirka Carruurta iyo Qoysaska ahna hoggaamiyaha KrF Kjell Ingolf Ropstad oo la hadlayTV2.

3,000 qoxooti ah waxay u dhigantaa barnaamijka ‘Granavolden platform’ bishii Janaayo 2019, halkaas oo Frp, Høyre, Venstre iyo KrF ay ku heshiiyeen in la sii wado tirada qaxootiga ee 3,000.

Sikastaba, xisbiga FRP ayaa rumeysnaa in hada wixii ka dambeeya uusan ku xirneyn heshiiska markii ay dowlada ka baxeen bishii Janaayo ee sanadkan, shirkii golaha sare ee xisbiga ee bishii september ayay la yimaadeen dalabyo ah in laga dhimo tirada qoondada qaxootiga.

Bishii May, wakiilka baarlamaanka ee xisbiga Konserfatifka Stefan Heggelund wuxuu sheegay in Norwey ay qaabilayaan oo keliya 1000 qoxooti sanadkiiba.

Hogaamiyaha xisbiga shaqaalaha Jonas Gahr Støre ayaa carabka ku adkeeyay in xisbigan kordhin doono tirada qoondada qoxootiga laga bilaabo 3,000 sanadkiiba ilaa 3,500, qeyb ahaan sababtoo ah waxaa ku yar Norway magangalyo doonka.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here