Home Wararka Caalamka Xisbiyada S iyo MP ee Sweden oo Heshiis ka gaaray Siyaasada Socdaalka

Xisbiyada S iyo MP ee Sweden oo Heshiis ka gaaray Siyaasada Socdaalka

0
Photo: Amir Nabizadeh/TT

Xisbiga Sooshal dimuqraadiga iyo xisbiga Miljöpartiet ayaa isku raacay in la diro dhamaan soojeedinta guddiga socdaalka si wadatashi looga sameeyo.

Laakiin xisbiga Miljöpartiet ayaa meel mariyay hindiseyaal dhowr ah oo cusub, oo ay ka mid tahay fududeynta waxa loogu yeero sharciga dugsiga sare.

Illaa iyo hadda, xisbiyada si adag iskuma aysan khilaafsaneyn siyaasadda socdaalka mustaqbalka, khilaafka wuxuu ku saabsanaa in dhammaan hindisaha ama keliya qaybaha soo-jeedimaha loo diro wadatashi, taas oo ah tillaabada ugu horreysa ee soo-jeedintu inay sharci noqoto.

Xisbiga S ayaa ka dambeeyay dhamaan 26 soo jeedin ee Gudiga Socdaalka, halka MP kaliya uu ka taageersanaa seddex.

– Xisbiyada Sooshal dimuqraadiga iyo Miljöpartiet ayaa isku raacay in loo gudbiyo soo jeedinta guddiga socdaalka. Waxaan sidoo kale aqbalnay inaan soo gudbino dhowr talo oo dheeri ah waqti dhow, wasiirka socdaalka Morgan Johansson (S) oo shir jaraa’id ku weheliyey wasiirka cimilada iyo deegaanka Isabella Lövin (MP) ayaa sidaasi warbaahinta u sheegay.

Mid ka mid ah Sharciyada cusub ayaa ah in la fududeeyo waxa loogu yeero xeerarka dugsiga sare. Si qof u sii joogo Dalka marka uu dugsiga sare dhameesto kadib.

qofku waa inuu helaa shaqo lix bilood ah gudahood si dalka uu u joogo Lakin Xanuunkan faafa ee corona uma suura galeyso waxaa uu qorshaha Cusub soo jeedinayaa inaad haysato laba iyo toban bilood si aad shaqo u hesho,

– Waa xaalad aan caqli gal ahayn maanta, waxaan u maleynayaa in dadka badankood ay sidaas fahmeen, ayey tiri Isabella Lövin.

Hindise kale ayaa ah in qof Iswidhan ku sugnaa muddo aad u dheer oo sharci deggenaansho ku-meel-gaadh ah heesha, isla markana heysan sabab uu Dalka uu ku joogo marka la eego xaalada amaanka ee Dalkiisa weli loo oggolaado inuu sii joogo.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here