Home News in English Sweden:- Qaxooti yar ayaa heleynaa hadii la ansixiyo Sharciga Qaxootiga Cusub ee...

Sweden:- Qaxooti yar ayaa heleynaa hadii la ansixiyo Sharciga Qaxootiga Cusub ee Midowga Yurub

0

Wasiirka Socdaalka Sweden Morgan Johansson ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay soo jeedinta siyaasad mideysan ee soo galootiga ee u dhaxeysa wadamada Midowga Yurub oo ay soo bandhigtay Wakiilka Yurub Ilva Johansson.

Morgan/TT

Wasiirka oo maalin ka hor hadlay ayaa sheegay in tirada qaxootiga imaanaya Sweden ay yaraaneyso hadii hindisahan la dhaqan galiyo.

“Guddiga Yurub wuxuu doonayaa inuu xoojiyo ilaalinta xuduudaha dibadda ee Midowga Yurub iyo inuu kordhiyo awoodda lagu xaliyo dadka magangalyo-doonka ah ee horey u jiray,” ayuu yiri.

Haddii abaabulkaas la hirgeliyo, yacni qof kasta oo iska
diiwaangelinaya xudduudaha dibadda ee Midowga Yurub, tirada magangelyo-doonka ee Iswiidhan way sii yaraan doontaa. Sida ay soo xigatay TT

Wasiirka soo galootiga ayaa dhaleeceeyay soo jeedintaan wuxuuna sheegay in dowlada Sweden aysan dooneyn in wadamada midowga yurub ay awoodaan inay ka dhuuntaan
caawinta dhibaatada qaxootiga.

“Qof walba waa inuu gacan ka geysto dhinac ama xal kale haddii dhibaato dhacdo,” ayuu raaciyay.

Dowlada Sweden waxay ugu baaqeysaa dhamaan wadamada midowga yurub inay kaqeybqaataan qaabilaada magangalyo doonka hadii dhibaato dhacdo. Halka soo jeedinta reer yurub aysan ku jirin qeybinta qasabka ah ee ka dhexeysa wadamada.

Somaliska Stockholm Source/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here