Home Wararka Caalamka 22 Qof oo ku dhimatay Shil diyaaradeed oo ka dhacay Dalka Ukraine

22 Qof oo ku dhimatay Shil diyaaradeed oo ka dhacay Dalka Ukraine

0

Diyaarad milatari oo laga leeyahay dalka Ukraine ayaa ku burburtay wadada ay diyaaraduhu ku ordaan, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi. Shilku wuxuu dhacay wax yar ka hor 8 fiidnimo garoonka diyaaradaha Tjuhujiv ee gobolka Kharkiv ee bariga Ukraine.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, 28 qof ayaa saarnaa diyaaradda. 22 ayaa la sheegay inay dhinteen, labo ayaa dhaawacantay afar kalena waa la la’yahay.

“Waxaan ka raaligalinaynaa murugada ka dhalatay qoysaska dhibanayaasha iyo saaxiibadood. Waxaan u rajeynaynaa dhaawacyada in ay soo kabasho deg deg ah helaan , ”Xafiiska Madaxweynaha ayaa ku qoray Twitter.

Diyaaradda ayaa nooceedu ahaa Anatov An-26 – oo ah diyaarad xamuul oo ay leedahay dowladda Ukraine oo ka timid Midowgii Soofiyeeti ee hore. Shaqaalaha ka sokow, dhowr arday oo ka tirsan Jaamacadda Kharkiv ayaa saarnaa.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyj ayaa bartiisa rasmiga ah ee Facebook ku qoray in guddi heer gobol ah loo magacaabi doono baaritaanka sida shilku u dhacay.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here