Norway: Kufsiyada oo siyaaday iyo soo galootiga oo eeda la saaray

Dalka Norway ayaa sanadkaan waxaa laba jibaarmay kufsiga loo geysto gabdhaha wadankaas u dhashay iyadoo la sheegay in inta badan ay masuul ka yihiin falalkaas dadka soo galootiga ah qaasatan kuwa sharci sugayaasha ah.

Dhacdadii u dambeysay ayaa dhacday habeenkii sabtidii ka dib markii labo gabdhood oo da’yar ay weerar ku soo qaadeen 5 ragg ah oo la sheegay in ay ka soo kala jeedaan Afghanistan iyo Pakististan. Dhacdadaas ayaa qaylo dhaan ka dhalisay dalka Norway iyadoo xitaa gudoomiyaha magaalada Oslo uu ku baaqay in la yareeyo xoriyada socodka ee magangalyo doonka.

Wargeysyada dalkaasi Norway ayaa qoray in isbuucii la soo dhaafay oo keliya 5 kufsi ay ka dheceen dalkaasi iyadoo la sheegay in ugu yaraan 4 ay geysteen dad ajaanib ah. Gudoomiyaha degmada ayaa ku baaqay in ficil degdeg ah la sameeyo si arintaan loo joojiyo. Booliska ayaa sheegay in inta badan kufsiyadii dhacay sanadkaan aan la aqoonsan cida geysatay balse waxay sheegeen tirakoobka inta la aqoonsaday in ajaanibtu ay yihiin kuwa ugu yar ee kufsiyada geysta.

Laanta Socdaalka Norway ayaa sheegtay in ay ka walwalsantahay in dhamaan magangalyo doonka oo dhan lagu shaabadaynayo in ay dambiileyaal yihiin.

8 comments

  1. Khadija

    Waxaan iimaan laawayaasha ah wey na ceebeeyeen hadaan soo galooti nahay bal maxaa u geystay falkaas foosha xun ee ay sameynayaan. Haddii ay jiran yihiin dhakhaatiirta hala xiriireen. Caqli xumaa waxu waxay rabaan in loo axsaan falo oo magangelyo la siiyo hadana ilmahii dadkii ay rabeen iney magangeliyaan ayay siddii waraabihii u ceyrsanayaan Allow na astur. Annigu haddii aan ahaa qaaliga xukumaya dacwadooda waxan ku xukumi lahaa ninkii dembi noocaana uu ku cadaado in la dhufaano kadibna lagu celiyo wadankii uu ka yimid si ay tusaale fiican ugu noqoto kuwa kale ee ku fekeraya iney fal noocaas oo kalaa sameeyaan.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  2. amal

    waay na ceebeyen aalle ha cebeye lakin waa in lo dhiga cashar lama ilawan aha oo la siya utvisa ila halkay ka yimaden.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  3. xamdi sweden

    yaabka Yaabkiisa….Amakaak ahaa.
    Xumaa oo Xumaa kuwa sida Xaywaaanka oo kale ugu boodaayo gabdhaha(Muslim ama gaal).
    Waxaa kasii daran Diinta ee sheeganayaan ee hadane ku dhaqmeen oo dadka kale xumaan ka fasiran kara!!!!
    Sida ee sheegtay walashee KHADIJA kuwa Somaliya ka geesta kufsiga iyo kuwa yurub ka geesta ,
    Aniga xamdi ahaan waxa ku xukumi lahaa Xabsi daa,in
    oo noloshiisa ku dhameesto wayo waa wasaq diintiisa iyo dadkiisa ha nabad gali wayen
    Guurka xalaasha ah diinteena noo sheegtay yaa kuu didan inaa marto!!! gabdhaha masaakinta wadada ha idinka maraan.
    Norway wax kasta ee ku go,aamiso waan taageersanahy
    xitaa hadii ee dhahdo waa xukumeenaa DIL.
    ofcourse wey istaahelaan wax kasta oo xukun ah
    maadaama eesan u dhaqmin sida banii,aadanka ee u dhaqmeen sida Xeywaanka. yes yaa igu taageersan runta.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  4. jiijo

    waxa waa dhalin xun walalayalka musliminta ahaw waxan idin leeyahey illaliya sharftiina iyo tan muslimiinta qaasatan soomalida waxa xun ka fogada.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. Raaqia

    asc
    WAN IDIN LAMAY DHALINTA HALKAN QORAL KODU KU KULMO
    WAXAN KULA TALINAYA WIILASHA SOMALIYEED
    INAY ILLAALIYAN SHARAF TOODA IYO SHARAFTA MAGCA SOMALIYED
    WAD MAHADSAN TIHIIN JZKLH
    WABILLAAHI TOWFIIQ

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. Ahmed

    khadija , Amal , xamdi , Raaqia dhammaantiin waad mahadsan tihiin , raggii maxay u aamuseen . u hadli layihiin , gabdhu way kadiireen xumaanta loogaystay habla kale ee raggi maxay uga hadli waayeen , waa su,aal taagan oo looga fadhiyo ruggu inay ka jawaabaan
    mahadsanidin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. burale swedan

    waa sidey u shegtay walashey qadijo ku wasi waa iman lawayal ragu kana amusine waa arin fool xun dadka lugu eedeynayo ma filayo inay yihin dad islam ah gabdhahanaga way mahadsanyihin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. maxamed oslo

    salaan qaaliya dhamaan asxaaba waan idin salaamay sxbayaal waxaan jecelahay inaan mid idiin sheego waxaa waaye taan idinnsheegi rabaa somaali waa miskiiin wax falalkan ku ka cayaana waa dadkale somali kuma jiro mana soo galayo markaa ha ka baaqin waxba love u all by

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

Sveriges största somaliska språk hemsida. Läs Sveriges senaste nyheter på Somaliska. Information för somalier i Sverige. Somaliska Lexikon. Bogga wararka Soomaalida Sweden. Wararka Nolosha Sweden.