Dowlada oo guryaha u sii kiraynaysa dadka cusub

Dowlada Sweden ayaa soo bandhigtay qorshe guryaha loogu sii diyaarinayo dadka cusub, isla markaana kamuunada lagu dhiiri galinayo in ay dhisaan guryo cusub oo ay dagaan dadka wadanka ku cusub.

Wasiirka isdhexgalka Sweden Erik Ullenhag ayaa soo bandhigay qorshahaan cusub. Fikrada ayaa ah in kamuunada si fiican u soo dhaweeya dadka soo galootiga ah, oo guryo cusub u diyaariya in la siinayo lacag dheeri ah oo loogu magacdaray (Mottagningspremien). Waxaa intaa dheer in guryaha banaan ay dowladu bixin doonto kiradooda. Barnaamijkaan ayaa waxaa ku baxaya lacag gaaraysa 250 milyan oo karoon.

Sababta ka dambaysa arintaan ayaa ah in dad badan oo sharciga qaatay ama wadanka ku imaanaya dacwo aysan haysan guri ay ku noolaadaan. Laanta Socdaalka ayaa cabasho ka muujisay in dadkii ay sharciga siiyeen ay wali ku jiraan kaamamka.

Dowlada ayaa bilihii la soo dhaafay samaysay maalgalin badan oo ku wajahan dadka soo galootiga ah, tusaale ahaan waxaa kamuunada soo dhaweeya Soomaalida dacwada ku imaanaysa loo balan qaaday lacag dheeri ah. Waxay sidoo kale dowladu diyaarisay lacag dheeri ah oo lagu taageerayo dadka cusub sidii shaqo loogu heli lahaa iyo waxbarashadooda.

5 comments

  1. Abdirahman Siayd

    Waa Fikrad aad iyo aad ufiican oo mudan xushmo iyo soo dhawayn lkn waan in laga faa iidaysto Fursada la siiyay dadka hada imaanaya Wadanka, ma aha in la iska seexdo oo Bilkasto cayr la raadsado oo aan wax dadaal ama shaqo la raadsanin. Taas waad mid soomaalideena ku nool wadaankaan magac xumo usoo jiiday. Waad mahadsantihiin WSC

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 2

  2. Raaqia

    abdikaraxman waa oki fikirkagu waaliin somalidu waxay ku mahamahdaa awrba ka awrka ka hore saan qaadkiisa buu leeyahay kuma minaya maxa la shega ku wii 20 sano joogay baa cayr qadanayee

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  3. CIVILIZED BOY

    shaqo waxa ka horaysa inaad waxbarasho aad ku shaqaysato hesho, hadanad garaneen waxaad ka shaqeen lahayd ama aad ku shaqayn lahayd maxaad ka shaqayn kartaa? waa waxba horta waxbaro degree ama master diyaari ka dib shaqo doon doono.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  4. Caliyow

    Soomaali= GOOR YAAN
    Somalier = PARASITER
    Somali = Parasite

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Bashir

    Asc, Jimcaale sxb qoraalkan ayaan helay markaa waxaan ku weediinlahaa wax faahfaahin ah oo dheeraad ah ma ka heesaa

    HALKAN RIIX http://www.heemaalnews.com/index.php?option=com_content&view=article&id=1506:sweden-dowladda-ayaa-soo-bandhigtay-sharuudo-adag-oo-la-duldhigayo-dadyowga-qaata-kaalmada-caydha-&catid=34:wararka-af-soomaaliga-ah&Itemid=62

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

Sveriges största somaliska språk hemsida. Läs Sveriges senaste nyheter på Somaliska. Information för somalier i Sverige. Somaliska Lexikon. Bogga wararka Soomaalida Sweden. Wararka Nolosha Sweden.