Bogg cusub oo Teoriga laga baranayo

By Jimcale
On August 30, 2012 At 15:00

Category : Warka, Waxbarashada / Utbildning

Responses : Comments are off for this post

Beryahaan dambe waxaan ku jiray hawsha abuurida koorso cusub oo teori ah si loogu fududeeyo Soomaalida in ay laysanka (körkort) qaataan. Boggaan cusub oo loogu magacdaray Teoriga.se ayaan ku diyaarinayaa su’aalo badan oo Af-Soomaali iyo Swedish isugu jira iyo sharaxaadooda.

Sanadkii hore ayay ahayd markii aan diyaariyay koorso teori ah oo Af-soomaali keliya ku qoran taasoo aan si faahfaahsan ugu sharaxay sharciyada wadooyinka. balse waxaa soo baxday in dadku ay sidoo kale u  baahanyihiin in ay bartaan dhinaca Swedishka si imtixaanka ugu fududaado. Koorsada cusub ayaa waxay ka koobantahay su’aalo keliya kuwaasoo ah kuwo u dhow ama laga yaabo in aad ku aragto imtixaanka dowlada. Su’aalaha ayaa lagu turjumay Af-soomaali isla markaana lagu sharxay mowduuca ay ka hadlayaan.

Maadaama aysan ahayn mid fudud in Af-soomaali lagu turjumo ka badan 1000 suaalood ayaan go’aansaday in aan dadka u sii furo si ay u sii akhristaan inta hada lagu daray, iyadoo aan si joogto ah ugu soo dari doono su’aalo cusub ilaa laga gaaro 1000 ama ka badan. Qarashka su’aalaha ayaa ku xiran tirada Su’aalaha lagu daray bogga, iyadoo halkii su’aal u dhiganto 1 kr. Wixii faahfaahin ah booqo TEORIGA.se

Comments are closed.



Comments

  1. asc dhamaan waa idin salaamay

    jimcaale maxaa usoo qori waysay in lacagtii dadka imanay loogu talagalay lashaaciyay
    1 bilyan 300 oo malyan koron loogu talagalay kamuunada inay kucaawiyaan somalida imaanayso

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

     — 
    • Waan soo qorayaa insha Allah. Waqti dhow.

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

       — 
  2. ASC WAAD KU MAHADSAN TAHAY SIDA WANAAGSAN EE AAD WAQTIGGA UGU LUMISAY IYO SIDA AAN NOOGU FUDUDEYSAY . WADADA MUSTAQIIMKA ALLA NOO WADA FUDUDEEYO DHAMAANTEENBA EE MID BAAN RABAY INAAN KU WEYDIIYO TUSAALE AHAAN QOFKA MARKA UU 100 SU’AALOOD IIBSADO MIYAANAN QIIMO DHIMIS LOO SAMEENEYN==?’! WCS

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

     — 
    • Mohammed adiga ayaa mudan. Waxa la iibsanayo ma ahan 100 suaalood ama 200. ee waa koonto 1 sanno ah. Markasta oo aan su’aalo cusub ku soo darno way siyaadaysa lacagta. Balse qofka ku soo biira hada kuma siyaadayso 1 sanno

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

       — 
      • asc dhamaan hal su,al ayaan qaba oo ah jimcalle malaga yaba hada sida an ognahay teori waxa lagu mara luqado kale oo aan swidhish eheyn sida enlishka iyo arabik marka malaga yaba inaan ku marno afka somaliga ?

        U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

         — 
  3. Dowlada ayaa u qoondeysay lacag gaareysa hal bilyan iyo bar karoon degmooyinka ay ku soo wajahan yihiin qoysas Soomaalida ee la mideynayo iyada oo lacagtaasi loogu tala galay in lagu maareeyo qoysaska Soomaalida ee ku cusub Iswiidhan muddo afar sano ah.
    Xisbiyada talada haya ayaa arrinka qeyb kaga soo dhigay hindisaha miisaaniyada soo socota waxaana qorshaha uu yahay in Soomaaldai imaaneysa ay xaq u yeesheen lacagta la yiraahdo etableringsstöd ee uu maamulo xafiiska shaqada.
    27 000 oo Soomaali ayaa la filayaa in hanaanka isu keenista qoysaska in ay ku helaan deganaanshaha Iswiidhan.
    Källa: Arbetsmarknadsdepartemente

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

     — 
  4. svenska halagu barto toriga somaliya majogno anaga

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

     — 
  5. asc akhyareey aniga waxaan rabay inaan iskudaro liska lkn wabaan isku dari waayay malaha aniga ayaa wax iga qaldameen mise liiska ayaa iga buuxsamay waan kala garan la ahaye intii iga horeeysay iyo jimcaale oo ah madaxa websedka waxaan idinka rabaa sidaan uga mid noqon lahaa dadka halkaan kaqaata teoriga thanks all af you

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

     — 
  6. halkee ayaa lagu soo diri kara lacagta

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

     — 
  7. looooooooooooooooooooooooool , oo ma handkap ayaa tihiin markaan teori halkaan ka baraneysaan ahahah

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

     — 
  8. suaaal ! imtixaan teori afsoomali ah miyaa lahelayaa horta ?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

     — 

Somaliska.com