Home Wararka Caalamka Yurub oo ka walaacsan keydka hubka oo dhammaad ka ah

Yurub oo ka walaacsan keydka hubka oo dhammaad ka ah

0

Madaxa shirkada difaaca iyo hubka ee ugu weyn Jarmalka Rheinmetall ayaa u sheegay BBC in Yurub ay u baadan tahay muddo toban sano ah si ay deg deg ugu dhisto awooddeeda difaac ee isku tiirsanaan.

Armin Papperger ayaa sheegay in sidoo kale keydka hubka uu dhammaad ka yahay Yurub. Hadalka ayaa yimid kadib markii Raysal wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz uu dhagax dhigay dhismaha shirkad weyn oo soo-saari doonta hubka iyo agabka difaaca.

Dhagax dhigaas waxaa goobjoog u ahaa Raysal wasaaraha Holland Mette Frederiksen iyo wasiirka difaaca Jarmalka.

Madaxweynehii hore ee Jarmalka Donald Trump ayaa horey uga digay Yurub keydka hubka ee dhammaadka ah.

Armin oo ay shirkadiisu soo-saarto labo boqol oo kun oo hubka waa weyn ah sanad walba ayaa sheegay in shirkadooda looga baahan yahay inay sanad walba soo saarto ugu yaraan hal milyan iyo bar rasaas ah.

Keydka hubka yurub ee gabaabsiga ah waxaa uga daray dagaalka Ukraine, halkaas oo ay Yurub u dirtay hubkoodii ugu badnaa.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here