Home Wararka Caalamka Milateriga Israel oo shacab fara badan ku xasuuqay degaanka Rafax

Milateriga Israel oo shacab fara badan ku xasuuqay degaanka Rafax

0
In this undated file photo released by the Taiwan Ministry of Defense, a Chinese PLA J-16 fighter jet flies in an undisclosed location. China sent a record 28 fighter jets, 14 of them J-16s, towards the self-ruled island of Taiwan on Tuesday, June 15, 2021, the island's defense ministry said, the largest such display of force since China started flying planes towards the island last year. (Taiwan Ministry of Defense via AP)

Duqeyn ay ciidamada Israa’iil ka geysteen Rafax oo ka tirsan Gaza ayaa waxaa ku dhintay 67 Falastiiniyiin ah, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 100 kale, sida uu sheegay Ashraf al-Qudra, oo ah afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza.

Meelaha xalay la duqeeyey waxaa ka mid ah Masjidka Shaboura’s ar-Rahma iyo masjidka al-Huda ee xerada Yabna, halkaasoo tobanaan qof ay gabaad ku jireen, ayaa la weeraray.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn xooggan oo lagu garaacay agagaarka isbitaalka Kuwait.

Xamaas ayaa sheegtay in duqeymahan ay yihiin ay qeyb ka yihiin sii socoshada xasuuqa ay Israa’iil ku hayso shacabka Falastiin.

Garabka hubaysan ee kooxda Islamic Jihad ayaa sheegay in dagaalyahannadooda ay weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidamada Israa’iil subaxnimadii hore ee maanta deegaanka Khan Younis ee koonfurta Qaza, halkaas oo dagaallo xooggan laga soo sheegayay maalmihii la soo dhaafay.

“Isla markiiba markii ay ciidamada Israa’iil soo gaareen goobta weerarku ka dhacay, [Guutooyinka al-Qudus] waxay ku weerareen qoryaha darandooriga u dhaca, madaafiicda lidka-ka-hortagga taangiyada, dhufaysyada iyo aaladaha qarxa, taasoo keentay dhimasho iyo dhaawac aan xisaab laheyn” ayay tiri Al-Quds Brigades.

Waxa ay sheegtay in dagaalyahanadeeda ay sidoo kale duqeeyeen taliska Israel ee bartamaha Khan Younis iyagoo ku garaacay madaafiic culus.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here