Home Wararka Maanta Xisbiyada Sweden oo ku kala kacay Shir looga hadlayay Xalinta Toogashooyinka dhaca...

Xisbiyada Sweden oo ku kala kacay Shir looga hadlayay Xalinta Toogashooyinka dhaca iyo Kooxaha Gangiska

0

Xisbiyada siyaasadeed ee dalka Sweden oo idil marka laga reebo xisbiga SD ayaa ku kala kacay shir ay ka lahaayeen sida loo xallinayo xasaradaha isa soo taraya ee kooxaha gaangiska Sweden.

Andreas Carlsson oo ah afhayeen u hadlay xisbiga Kristdemokraterna iyo Johan Forssell oo ka tirsan Moderaterna ayaa sheegay in waxa ay dowladdu miiska soo saartay aanay ku fillayn dhibaatada taagan, iyagoo xaqiijiyay inay dowladda ka codsadeen inay berri oo Sabti ah la gole timaado hindise midkan dhaama.

Wakiil u hadlay Centerpartiet, Johan Hedin ayaa isna saxaafadda u sheegay in kulanka iminka la hakiyay, balse aanu gebi ahaanba burburin oo uu ujeedku yahay in la isu soo noqdo maalinta beritoole.

Waa markii 3-aad oo uu natiijo la’aan ku dhamaado kulan ay rabshadaha gaangiska ka yeesheen xisbiyada dalka Sweden, iyadoo uu shir jaraa’id oo arrintan ku saabsan qaban doono Wasiirka Cadaaladda Sweden Morgan Johansson.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here