Home Wararka Maanta Xisbiyada Sweden oo dalbanaya in lacagta kaalmada loo kordhiyo kooxaha halista u...

Xisbiyada Sweden oo dalbanaya in lacagta kaalmada loo kordhiyo kooxaha halista u ah Coronavirus

0
Photo Claudio Bresciani / TT

Qaar badan oo ka mid ah xisbiyada baarlamanka ayaa hadda dalbanaya in loo kordhiyo lacagta kaalmada ku meel gaarka ah ee ay heli karaan dadka ku jira kooxaha halista, kuwaas oo loo sheegay inay si daran u jiran doonaan haddii ay ku dhaco cudurka loo yaqaan ‘Covid-19’, oo aan awoodin inay ku shaqeeyaan guryahooda.

Taageeradu waxay dhammaanaysaa bilowga sanadka, laakiin waa inay sii jirtaa illaa Iswidhan ay ka bixinayso tallaal, sida ay aaminsan yihiin Christian Democrats.

– Waxaan ka hadleynaa dadka qaba cuduro daran, dhowr cudur oo halis ah, haddii kale xaq uma yeelan doontid kaalmo. Waana inay ogaadaan in kaalmada jiri karto ilaa tallaalka la helayo, ayuu yidhi Acko Ankarberg Johansson oo ah afhayeenka siyaasadda arrimaha bulshada ee xisbiga Christian Democrats.

Xagaagii lasoo dhaafay ayay ahayd markii suurtagalnimada kaalmo loo furay dadka halista ugu jira inay si daran u xanuunsadaan haddii ay ku dhacaan covid-19. Tusaale ahaan, cudurka sambabka , kansarrada qaar iyo kuwaasi oo la siiyay fursad 90 maalmood ah haddii aysan ku shaqeyn karin guryahooda.

Dowlada, Xisbiga Centerpartiet iyo Liberalerna ayaa balan qaaday in kaalmo la kordhin doono ilaa iyo 180 maalmood.

Ilaa iyo maanta, in kabadan 2,400 oo qof ayaa lasiiyay kaalmo ay ku baxday qiyaastii 65 milyan oo karoon oo ka timid Hay’ada ceeymiska bulshada. dowladduna ma laha qorshe ay ku sii dheereyso taageerada intaas ka dib. Laakiin hada xisbiyada Christian Democrats, Liberal, Left Party iyo Sweden Dimuqraadiyiintu waxay aaminsanyihiin in taageeradu ay ahaato ilaa iyo inta caabuqu ka yaraanayo ama talaal la helayo. Julia Kronlid waa afhayeenka caymiska bulshada ee xisbiga Sverigedemokraterna.

– Tani waxay ku saabsan tahay badbaadinta nolosha dadka, waxay noqon kartaa mid naf-gooyo ah inay naftooda u muujiyaan halista sare ee infekshinka, ayay tiri.

Somaliska Stockholm

Turjumay somaliska.com

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here